Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.
Danjiraha ayaa sidoo kale waxa uu soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.
Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa waxa kale oo uu shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahad-celiyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabilay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjiraha xilka safiirnimo ee loo igmaday, isaga oo u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.
Danjire Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa waxa 17-kii bishii October ee sanadkaan uu Amiirka dalka Qatar u soo magacaabay inuu noqdo Safiirka dalkiisa u fadhiya Soomaaliya.