Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan oo shaaciyay in saraakiil ciidan ay ku lug leeyihiin qaraxyada...

Madaxweyne Xasan oo shaaciyay in saraakiil ciidan ay ku lug leeyihiin qaraxyada Muqdisho

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta markii u horeysay shaaciyay inay jiraan saraakiil ka tirsan ciidanka oo qaraxyada soo galiya magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay munaasabada xuska sannad guurada 79-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in saraakiil ciidan ay Shabaab usoo dhaafiyaan baraha kontrol ee ciidamadda gawaarida ku hubiyaan.

“Saraakiil ayaa jirta oo ciidamada qeybahooda kala duwan ah oo hadda baaristooda ay socoto, oo hay’addo ajnebi ah la kaashanay oo la leeyahay asaga ayaa kasoo daayay Checkpoint-ga, waa lagu daba jooga maalin maalmaha kamid ahna waa lasoo qabana,” ayuu yiri.

“Askariga laftigiisa kama marna laakiin ninka derajo leh ee sarkaal boolis ah, sarkaal nabad-sugida, millateri ama asluub ah ee ku cadaato isaga ayaa qaraxa kasoo dayay checkpoint-ga waa maxay aakhira-beelka iyo aduunyo-beelka u dhiman.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiisha ay baaritaanada ku socdaan gawaari ay soo daayeen uu qarxay, kuwaasi oo akoonadooda bank-yada lagu arkay lacago badan oo uu sheegay in tuhunsan yihiin inay ku heleen gawaaridaaas qaraxyada ah oo ay soo daayeen.

Qiraalka madaxweynaha ee la xiriira arrintaan ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee noociisa ee kasoo yeera dowladda federaalka, ayada oo sanadihii dambe uu sii kordhayay tuhunada laga qabo saraakiisha iyo hay’addaha amniga loo igmaday inay qaarkood fudeydiyaan qaraxyada.

Si kastaba, hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili uu socdo baaritaanada weerarkii Shabaab ee Villa Rays, islamarkaana uu darawalka gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu u baxsaday dhanka Al-Shabaab, kadib markii uu soo galay raadka weerarkaas.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleLaftagareen oo Dagaalki Shalay kadib layimid Qorshe Cusub
Next articleWarar laga helayo Dil ka dhacay Muqdisho oo si Weyn looga naxay