Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inay billowday abaabulka isbaheysi cusub oo ka dhan ah madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo muddooyinkii dambe ay xiisad xooggan kala dhaxeyso dowladda federaalka Soomaaliya.
Qorshaha madaxtooyada ayaa la sheegay inay dooneyso in hal isbaheysi oo xooggan lagu mideeyo dhamaan siyaasiyiinta Puntland ee mucaaradsan Saciid Deni, xilli ay sii xoogeysatay mucaaridada gudaha ee Deni.
Xogaha arrintaan laga helayo ayaa intaas kusii daraya in Madaxtooyada Soomaaliya ay dhaqaale gaar ah u diyaarisay hirgelinta qorshahan cusub ee ku sameynayso isbaheysiga siyaasadeed xooggan oo ka dhan ah madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Qorshahan cusub ayaa imanaya ka gadaal markii ay maamulka Saciid Deni ay xiriirka u jartay dowladda federaalka, gaar ahaan Villa Somalia, sababa la xiriira khilaaf siyaasadeed iyo rabitaanada madaxweynaha Puntland.
Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay Villa Somalia iyo maamulka Saciid Deni ayaa si weyn usii kala fogaaday, ayada oo maamulka Puntland uusan kasoo qeyb-galin shirarka iyo heshiisyada muhiimka u ah dowlad-dhiska, kuwaasi oo ay soo xaadireen madaxda dowladda federaalka iyo afarta maamul-goboleed ee kale.