Home Wararka Maanta Madaxweyne Somaliland oo Safarkii ugu horeeyag ee Dibada u baxay

Madaxweyne Somaliland oo Safarkii ugu horeeyag ee Dibada u baxay

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa safarkiisii ugu horreeyay saaka ugu ambabaxay waddanka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa usoo dirtay diyaarad khaas ah. Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu madaxweynuhu dibadda ugu baxo tan iyo markii xilka loo dhaariyay 12 December, 2024. Waxa horay loo filayay in safarkiisa koowaad uu ku tagi doono Jabuuti ama Itoobiya.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa saaxiib dhow la ahayd xukuumadihii xisbiga Kulmiye, taas oo sababtay in ay boqollaal milyan oo dollar uu Imaaraatku ku maalgeliyo dib u dhiska Dekedda Berbera, Madaarka Berbera iyo waddada isku xidha Berbera iyo magaalo-ganacsiyeedka Wajaale.

Madaxweyne Cirro ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadkii sida weyn uga soo horjeeday maalgelinta DPWorld ee Dekedda Berbera, isaga oo u arkayay in aanay faa’iido weyn u yeelan doonin dekedda. Laakiin madaxweynaha ayaa fikirkiisa beddelay kadib markii dekedda la ballaadhiyay.

Imaaraatka ayaa ka mid ah waddamada xafiisyada matalaada ah ku leh Hargeysa. Sidoo kale, Somaliland ayaa xafiis matalaadeed ku leh Imaaraatka Carabta. Lama oga waxa uu daaran yahay safarka madaxweynuhu ilaa hadda.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleQaramada Midoobe oo Shaacisay Tirada Caruurta Lagu dilay Magaalada Gaza
Next articleHiiraan oo markale martigalinaysa Dagaalo ka dhan ah Alshabaab iyo Abaabul Soo Dhamaaday