Home Wararka Maanta Madaxweyne Somaliland oo Isku Shaadheyn ku Sameeyay badhasaabada gobolada

Madaxweyne Somaliland oo Isku Shaadheyn ku Sameeyay badhasaabada gobolada

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay 7 mas’uul oo uu u igmaday xilal badhasaab oo cusub, isla markaana uu xilalkii kaga qaaday 4 mas’uul oo hore u hayay xilal heer gobol iyo hay’ado.

Isku-shaandhayntan oo ah tii ugu muhiimsanayd ee uu Madaxweyne Cirro sameeyo, ayaa waxa kasoo muuqday 7 masuul, oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), oo loo magacaabay Badhasaabka Gobolka Saaxil.

Mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabay

• Cabdirashiid Xasan Mataan – Guddoomiyaha Gobolka Awdal
• Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) – Guddoomiyaha Gobolka Saaxil
• Maxamuud Raage Ibraahin Guuleed – Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
• Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi (Herer) – Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh
• Cabdi Siciid Faahiye Allaale – Xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare
• Prof. Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhegayare) – Guddoomiyaha Gobolka Salal
• Cabdiraxiin Maxamed Axmed – Guddoomiyaha Gobolka Saraar

Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday

• Muxumad Xasan Jaamac (Xoday): Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal
• Maxamed Daahir Cabdalla Gaafane: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil
• Axmed Cabdi Muuse: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag
• Haybe Cismaan Muuse: Xubin hore oo ka tirsanaa Guddida Tacliinta Sare

Haddaba, masuuliyiinta xilka laga qaaday waxa ugu mudnaa Guddoomiyihii Gobolka Awdal, oo xilka qaadistiisu kusoo beegmay xilli qalalaase galaaftay nolosha dhallinyaro shacab ah uu ka dhacay magaalada Boorama.

Ad