Home Wararka Maanta Madaxweyne Shiinaha Xi Jinping oo si diirran loogu soo dhoweeyey Dalka Ruushka...

Madaxweyne Shiinaha Xi Jinping oo si diirran loogu soo dhoweeyey Dalka Ruushka (Sawirro)

0

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa maanta gaaray magaalada Moscow, isaga oo sheegay in booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Ruushka, tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine ay “dardar cusub” gelin doonto xiriirka labada dal.

“Waxaan ku kalsoonahay in booqashada ay miro dhali doonto, islamarkaana dardar cusub siin doono xiriirka caafimaadka qaba ee degan ee Shiinaha iyo Ruushka,” ayuu yiri isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha Moscow, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka Ruushka.

Xi ayaa waxaa roog cas kusoo dhoweeyey saraakiisha militariga iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Ruushka Dmitry Chernyshenko.

Xi ayaa xiriirka labada dal ku qeexay inuu galayo “waa cusub” isaga oo ku celiyey hadallo uu toddobaadkii tegay jeediyey Yuri Ushakov, oo ka mid ah kaaliyayaasha Kremlin-ka, kaasi oo sheegay toddobaadkii tegay in Xi iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay saxiixi doonaan dokumentiyo xaqiijin doona xiriir sidan ka dhow.

“Dunidan isbeddelka badan, China waxay sii wado doontaa inay Ruushka kala shaqeyso ilaalinta hanaanka caalamiga ah oo QM xuddun u tahay,” ayuu yiri Xi, sida ay ku warrameen wakaaladaha wararka Ruushka.

Wuxuu sidoo kale Shiinaha iyo Ruushka ku qeexay “deris wanaagsan” iyo “saaxiibo la isku haleyn karo.”

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Si wayn uga Carootay Kulankii Deni Beesha Caalamka kula Yeeshay Nairobi
Next articleBankiga Dhexe ee Somalia oo Abaal Marin Caalami ah Ka Helay hay’adda Central Banking