Home Wararka Maanta Madaxweyne Racep Tayyip Erdogan oo Balanqaaday Inuu Dhisi Doono Kaabayaashii Israail ka...

Madaxweyne Racep Tayyip Erdogan oo Balanqaaday Inuu Dhisi Doono Kaabayaashii Israail ka Burburisay Falastiin

0

Turkiga ayaa dadaal ku bixin doona dib u dhiska kaabayaasha burburay, isbitaallada iyo iskuullada Qaza haddii xabbad joojin laga gaaro halkaas, warbaahinta Turkiga ayaa Sabtidii sidan ka sheegtay madaxweyne Racep Tayyip Erdogan.

“Haddii xabbad joojin la gaaro, waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah si aan kabasho uga samayno burburka ay geysatay Israa’iil,” ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta isagoo ku jira diyaaradii uu kaga soo laabtay safar uu ku tagay Jarmalka, halkaasoo uu wadahadallo kula yeeshay madaxda Jarmalka.

“Waxaan ku dadaali doonnaa dib-u-dhiska kaabayaasha burburay ee Qaza iyo dib-u-dhiska dugsiyadii burburay, isbitaallada, biyaha iyo tamarta,” ayaa lagu yiri war ay boggeeda ku baahisay baahisay A Haber.

Horraantii todobaadkan Erdogan waxa uu ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu in uu ku dhawaaqo in Israa’iil ay haysato hubka Nukliyeerka ah iyo in kale, wuxuuna arrintan ku soo noqday hadal uu u jeediyay suxufiyiinta, isaga oo ku baaqay in la baaro hubka Nukliyeerka ah ee halkaasi ka jira.

Ad
Previous articleKumanaan dad ah oo ku dibad-baxaya Xafiiska raysal wasaaraha Israa’iil
Next article‘Tacabkii sideeda sano saacado gudahood ayuu ku baab’ay…maanta qado iskama bixin karo’