Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoor Qoor oo Musharixiinta Galmudug Digniin U diray

Madaxweyne Qoor Qoor oo Musharixiinta Galmudug Digniin U diray

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay khudbad ka jeediyay xuska sanad guurada 18-aad ee Galmudug ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaas iyo doorashada kusoo socota oo loogu jio loolan aad u adag.

Qoor Qoor ayaa ugu horreynti ku faanay in Galmudug ay gaartay hormar ballaaran, isla-markaana ay door fiican ka qaadatay dagaalka Al-Shabaab, sidoo kale ay wada shaqeyn fiican la leedahay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada kale ee ka jira waddanka.

Intaas kadib Madaxwweynaha Galmudug ayaa ka hadlay arrinta doorashada, isaga oo weerar culus ku qaaday xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo, isla markaana doonaya inay ka qayb-galaan doorashada soo socota ee ka dhaceysa Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Galmudug ay kasoo gudubtay xilligii awoodda wax lau raadinayay, isla markaana danaha gaarka loogu dhibaateyn jiray shacabkeeda.

“Dadka damaca ka leh siyaasadda xaq-baad u leedihiin inaad damac yeelataan, laakiin waxaa rabaa Galmudug waa kasoo gudubtay xilligii qof dan lihi dantiisa ku dhibaateyn jiray” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka reer Galmudug dal iyo dibad, waa baraarugsan yihiin, waana soo jeedeenaa, dantooda iyo dan darradooda waa yaqaaniin”.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleUkraine oo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen 100 askari oo Ruush ah
Next articleDowlada Soomaaliya oo Digniin kusoo saartay Cudur halis ah oo Soo galay…..