Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor ayaa xalay kulan la qaatay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in kulankii xalay uu Qoorqoor la qaatay Midowga Musharaxiinta uu hordhac u yahay kulamada guud ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka.
Sidoo kale inta uu socday kulanka dhinacyada ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo khilaafka hareeyay qabaoomida doorashada dhaceysa oo aan weli heshiis laga gaarin.
Ad