Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddi wasaiirro ah u magacaabay xal u raadinta Colaadda Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Guddigan oo ka kooban 5 Wasiir oo ka tirsan golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha,Amniga,Owqaafta iyo Arrimaha Diinta,Gargaarka iyo Warfaafinta.
Magacaabista guddigan ayaa timid kadib markii dagaal ay isag ahoryimaadeen labo maleeshiyo beeleed ay sababeen geerida dad gaaraya soddomeeyo halka dhaawacana uu intaa ka badan yahay.
Dagaalka oo salka ku haya falal aano qabiil ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa deegaanada Qalanqale iyo Laandheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dagaalka oo qarxay arroornimadii hore ee maanta ayaa waxaa uu salka ku hayaa aanooyin qabiil .
Wararkii ugu dambeyay ayaa hadda sheegaya in ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa Galmudug ay ku baxeen dagaalka oo ay gaareen goobta dagaalka, iyagoo kala dhex galay labada maleeshiyo beeleed.
Halkan hoose ka aqriso magacaabista guddiga.
1: Wasiir Cabdi waayeel Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug oo kasoo jeeda Beesha Mareexaan
2: Wasiir Maxamed Cabdi Adan Gaboobe Wasiirka Amniga Galmudug oo kasoo Jeeda Beesha Sacad
3: Wasiir Xasan Cabdulqaadir Xuseen Wasiirka Owqaafta iyo Diinta oo kasoo jeeda Beesha Dir
4: Wasiir Cabdiraxman Maxamed Diiriye Wasiieka Gargaarka Galmudug oo Kasoo jeeda Beesha Mareexaan
5: Wasiir Abshir Cabdi shiikh Wasiirka Warfaafinta Oo Kasoo jeeda Beesha Saruur