Sida ay ilo wareedyo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Warbaahinya Mudug24, Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa ku wajahan magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku tegayaan safar dhulka ah.
Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiir Jaamac ayaa galabta maqribadii ka gudbay Guriceel, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxayna Ceelbuur ka soo gelayaan dhanka Wabxo.
Ciidamo xoog leh oo isugu jira kuwa deegaanka iyo xoogga dalka oo Danab ay hoggaamineyso ayaa ku sugan Ceelbuur, ciidankaan ayaa ku guuleystay in si nabad ah ay gacanta ugu dhigaan magaalada.
In Madaxweynuhu ka baaqdo safarkaas waxaa sababay tallaabo ay qaadeen ciidamadii ku sugnaa magaalooyinkaas oo sabab aan la shaacin uga baxay maanta.
Waxaa jira gadood ciidan iyo amarro is diidan oo ay marti-gelineyso wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, taasi waxay sababtay in ciidan badan lagu laayo Cowsweyn, maantana la baneeyo furimihii Ceeldheer iyo Galcad.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa isna galabta ka soo baxay degmada Aadan-Yabaal, isagoo qorsheynaya inuu ka hor tago ciidamadii soo baneeyey furimaha Galcad iyo Ceeldheer.
Howlgalka ka socda Galmudug ee Khawaarijta looga xoreynayo dalka ayaa maalmahaan wajahaya jaha-wareer xoog leh oo hadda banaanka u soo baxay, waxaana sixitaanka wixii qaldamay ku howlan Madaxweyne Xasan Sheekh oo ajendihiisa koowaad ka dhigtay hoggaaminta dagaalka.