Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoor Qoor oo hal goob isugu keenay beelihii ku dagaalamay Galgaduud(Sawiro)

Madaxweyne Qoor Qoor oo hal goob isugu keenay beelihii ku dagaalamay Galgaduud(Sawiro)

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo dhaliyay dhimasho badan.

Qoor Qoor ayaa maanta hal goob isugu keenay labada beelood ee dagaalamay, wuxuuna ku qaabilay xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay odayaal, dhalinyaro iyo waxgarad ka socday beelahaasi, isaga oo kala hadlay arrimaha nabadeynta ee uu wado maamulkiisa.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulammo kala duwan qasriga madaxtooyada kula qaatay odayaal, dhallinyaro iyo wax garad kasoo kala jeeda laba beel oo walaal ah oo dhawaan ku dagaallamay waqooyiga Gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in kulankan uu billowday shirka dib u heshiisiin ah oo ay Galmudug u qabaneyso beelaha diriray, si xal loo kala dhex dhigo.

“Kulamada madaxweynaha ayaa horudhac u ah shirka nabadeynta labadan beel oo dhawaan ka furmi doona Dhuusamarreeb” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Dagaal beeleedka gobolka Galgaduud ayaa noqday midkii ugu khasaaraha badanaa, waxaana hal maalin ay beelahaan ay iska dileen in ka badan illaa 50 qof, halka ay iska dhaawaceen ku dhowaad 100 kale, kadib dagaallo ka dhacay waqooyiga Galgaduud.

Ad
Previous article37,000 oo arday oo Maantay U Fariisatay Imtixaanka Dugsiga Sare ee Dalka Soomaaliya
Next articleDowlada Soomaaliya oo Si Rasmi ah Ugu dhawaaqday inuu Bilowday Wajiga Labaad ee Dagaalka Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here