Home Wararka Caalamka Madaxweyne Putin oo soo bandhigay shuruudo adag oo uu ku joojinayo dagaalka...

Madaxweyne Putin oo soo bandhigay shuruudo adag oo uu ku joojinayo dagaalka uu ka wado Ukraine

0

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa goor dhow soo bandhigay hindise uu sheegay haddii la fuliyo inuu joojinayo duulaanka Ukraine.

Isagoo ku xiray si dagaalka loo joojiyo inay Ukraine iyo reer galbeedka fuliyaan shuruudaha Ruushka ee kala ah; Ukraine inay ciidankeeda ka saarto afar gobol oo kala ah; Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporozhye oo uu ku sheegay aftidii laga qaaday inay ku biireen Ruushka.

Waxaa kalo uu ku xiray si wada-hadallo loo billaabo inay Ukraine ka tanaasusho doonisteeda ku biiritaanka NATO iyo inay dalalka reer galbeedka cunaqabateynta ka qaadaan Ruushka, isagoo ku hanjabay haddii Ukraine iyo reer galbeedka ay diiddan hindisahan cusub inay xaaladdo sii xumaan doonto oo Ruushka uu la imaanayo shuruudo kale.

Dhinaca kale, Dawladda Switzerland, ayaa shaacisay liiska ka qaybgalayaasha shirka nabadda Ukraine , iyadoo hoggaamiyayaasha shirka ka qaybgalaya uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh.

Ukraine ayaa isku dayaysa inay shirkan ka raadiso taageerro, wallow ay hoos u dhigeen dalalkii saameynta ku lahaa labada dhinac oo Turkiga iyo Sacuudiga ay ka mid yihiin. Ruushka ayaana si adag u cambaareeyay shirkan, inta ay socotay qabanqaabadiisa waxaa ay Switzerland, la kulantay weerarro dhinaca internetka, balse ma jirin wax eedeyn ah oo ay u jeedisay Ruushka.

Ad
Previous articleMid kamid ah Ragii 5ta Milyan Ka Qaatay markabka MV Abdullah oo la Qabtay
Next articleXuuthiyiinta Yemen ayaa laba gantaal oo kuwa lidka maraakiibta ah ku Dhuftay markabkan  M/V Verbena