Home Wararka Maanta Madaxweyne Laftagareen oo Cafis u Fidiyay Maxaabiis Farabadan(Sawiro)

Madaxweyne Laftagareen oo Cafis u Fidiyay Maxaabiis Farabadan(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Cafis Madaxweyne u fidiyey qaar kamid ah maxaabiista ku jirtay xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo.

Maxaabiista uu cafiska u fidiyay madaxweyne maamulka Koonfur GalbeedĀ  Laftagareen ayaa ahaa kuwa galay dambiyo fud fudud iyo kuwa loo soo xiray lacago deyman ah oo lagu lahaa oo ay iska bixin waayeen .

Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaana shaacisay in Laftagareen cafis madaxweyne u fidiyay maxaabiistan munaasabadda sannad guurada 4-aad awgeed, waxa ayna sheegtay in madaxweynaha bixiyay lacago deyman ah oo lagu lahaa maxaabiista qaar.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmo kaddib waxa uu u dabaaldegayaa sannad guuradii afaraad ee kasoo wareegtay markii la doortay, waxaana ku eg muddo xileedkiisii rasmiga ahaa, inkastoo uu sameestay muddo kordhin aan raali laga aheyn.

Ad