Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Madaxweyne Laftagareen oo Alshaabka Raxanwaynta ah Si Xun u weeraray

Madaxweyne Laftagareen oo Alshaabka Raxanwaynta ah Si Xun u weeraray

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si kulul u weeraray maleeshiyada Al Shabaab ee ka hawlgala saddexda gobol ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaa oo uu sheegay inay ka damiir xun yihiin maleeshiyada kale ee ka hawlgala dalka.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Shirka Khamiislaha ee Golihiisa Wasiirada ayaa maleeshiyadaasi ku eedeeyay inaanay wax naxariis iyo jixinjix toona u ahayn dadkooda, isla-markaana ay ku qanceen in qoysaskooda iyo eheladooda lagu dhibo dheeftii ay cunni lahaayeen.

Madaxweynaha ayaa muujiyay in Shabaabka kale ee ka hawlgala deegaanada ka baxsan Koonfur Galbeed aanay aqbalin in dadkooda lagu dhibaateeyo wixii ay quudan lahaayeen.

Madaxweynaha oo is dultaagay go’doominta ay Shabaabka toddobaadkii hore geliyeen Magaalada Baydhabo ayaa tibaaxay inay taasi ugu wacan yihiin dadka ka soo jeeda deegaanka ee ka tirsan maleeshiyadaasi.

Baydhabo ayaa waxaa laga dareemay is bedel dhanka machiishadda, ka dib markii ay kordheen qiimihii wax la kala siisan jiray, iyadoo dadku ay ka cabanayaan sicir bararka maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya ee magaalada ka jira. Dadka reer Baydhabo oo markii hore la daallaa dhacayay biilasha korontada iyo biyaha ayay tanina sii cusleynaysaa nolol maalmeedkoodii.

“Shabaab cadowtinimadiisa iyo xaasidnimadiisa waan aragnay, Soomaalina horey ayay u aragtay, wayna sii kala daran yihiin. Kan ugu daran ayaa nagu soo toosay, kuwa dadkayaga ah ee deegaanka u dhashay ayaa Shabaab ugu xun oo ugu xaasidsan, oo ugu caqli yar, uguna daciifsan oo ugu daanyeersan, kuwii baa nagu soo toosay.” Ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Waxay rabaan hooyadood iyo carruurtooda inay inta joogaan, nin kale oo Soomaaliyeedna uu ku qanciyo waa la cunaqabateynaya, waxa la cunaqabateynayana annaga ma ahanee carruurtoodii iyo hooyooyinkoodii waaye, ayagana ay ku qancaan oo raali ay ka noqdaan, dadkii kale ee ayaga la midka ahaa ee la joogayna ay yiraahdaan gobol hebel lama cunaqabateyn karo, shacab baa joogo, shacabka waxba nooma dhimin, annagu dowladdaa la dagaalaynaa, dadkii kalena ay sidaas yiraahdaan, ayagana intaas marqaati waaye oo way fadhiyaan. Marka annaga nasiibkeenna ayaa saas noqday, annaga Shabaab meeshii ugu xumeyd ayuu nooga soo toosay oo dadkii ugu daciifsanaa ayaa meesha naga jooga.”

Madaxweyne Laftagareen ayaa intaasi ku daray “Ninka saas ah ninka ay rajo uga jirto oo wax ka sugaya oo qabiilnimo/ehelnimo ka sugaya, oo markii la xiro u soo dacweynaya, oo markii nin lala xiriiriyo Shabaab u soo dacwoonaya, oo markii la dilo u sii dacwoonaya, asaga naftiisaa ka sii damiir xun.”

Laftagareen ayaa reer Koonfur Galbeed ku baraarujiyay in ay meel kaga soo wada jeestaan Shabaab, haddii aanay jirin wax dembe oo ay dhawranayaan, isla-markaana ay tahay inay iska dulqaadaan.

“Go’aankayaga wuxuu yahay shacab, dowlad ama cid kasta oo reer Koonfur Galbeed ah ama dal ha joogto ama dibad ha joogto inaan u dhaqaaqno, sidaan Shabaab isaga xoreyn lahayn. Ninkii hadal ku xoreyn lahaa, ninkii xabad ku xoreyn lahaa, ninkii ciidamada raaci lahaa iyo ninkii taageere kale bixin lahaa, intaba waa loo baahan yahay, wax aan sugayno oo noogu dhiman ma leh.” Ayuu yiri Laftagareen.

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan
Ad
Previous articleImaaraadka iyo Turkey oo saxiixday heshiisyo ku kacaya $50.7 bilyan
Next articleSSC oo Raaligin Siisay Dowlada Federalka Soomaaliya Xili ay Dhawaan eedo Culus soo jeediyeen