Home Wararka Somaliya Somaliland Madaxweyne Ku Xigeenka Soonaaliland oo Ka Horyimid Muuse Biixi Xili Xasaasi ah

Madaxweyne Ku Xigeenka Soonaaliland oo Ka Horyimid Muuse Biixi Xili Xasaasi ah

0

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa shaaciyay inuu dhex-dhexaad ka yahay doorashada Somaliland, taasi oo ka dhigan in Saylici uu dhabarka u jeediyay Muuse Biixi, xilli doorasho la galayo bisha Novermber ee sanadkaan.

Saylici oo maanta la hadlay dad isugu soo baxay inay oogaan Salaadda Ciidul-Adxaa ayaa shacabka ugu baaqay inay codkooda ku aaminaan qofka ay u arkaan in uu awood u leeyahay xoojinta isku duubnidooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la kala fogeeyo doorashada iyo qabyaaladda, xilli dhowr bilood ka harsan yihiin doorashada madaxtinimada Somailand, oo ay ku loolamayaan saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid.

“Shacabka Somaliland waxa aan leeyahay doorashada ciddii aad doontaan u codeeya, waa in la kala fogeeyo doorasho iyo qabyaalad,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.

Waxa uu intaas kusii daray “In ummadda kala dhimato waxa ay ku imaan kartaa in aan loo fakirin si aan wanaagsanayn.”

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa imanaya xilli Muuse Biixi uu wajahayo loollan adag oo uga imaanaya mucaaradka, oo ku eedeynaya Biixi inay siyaasad xumaddiisa keentay in Somaliland ay lumiso deegaanada gobolka Sool.

Si kastaba, Saylici oo xilligaan aheyd inuu dhiso Muuse Biixi oo uu ku-xigeen u ahaa sanado badan, ayna ka wada tirsan yihiin xisbul xaakimka ayaa sida muuqata garabkiisa ka baxay. Waxaana xilligaan musharax madaxweyne ku-xigeen u ah Muuse Biixi wasiirkiisa ganacsiga Mr. Saajin.

Ad
Previous articleDeni oo Xasan Shiikh ka Codsaday Wadahadal in lala Furo
Next articleNetanyahu oo kala diray golihii wasiirada ee dagaalka ee saameynta badnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here