Home Wararka Maanta Madaxweyne Erdogan oo cafis weydiistay shacabka Magaalo ka tirsan dalkiisa oo Dhawan...

Madaxweyne Erdogan oo cafis weydiistay shacabka Magaalo ka tirsan dalkiisa oo Dhawan Dhulgariir Ku Dhuftay

0

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii dalbaday in laga cafiyo dib u dhacyada samata-bixinta, xilli uu booqday mid ka mid ah goobaha uu sida darran ugu dhufantay dhul-gariirkii dalkaas ka dhacay bishan horraanteeda.

Erdogan, oo raadinaya muddo xileed kale oo xilka madaxweyne ah kadib labaatan sano uu awoodda hayey, ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulmay dadka ka badbaaday dhul-gariirka ee magaalada Adiyaman ee koonfurta-bari.

Doorashadii 2018, Erdogan ayaa si xooggan mucaarada ugu garaacay gobolkaas.

“Saamaynta ba’an ee dhul-gariirkii iyo cimilo-xumada awgeed, ma aanan awoodin in aan sidii aan rabnay ugu shaqayno magaalada Adiyaman maalmihii ugu horreeyay, raali galin ayaan ka bixinayaa arrintan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Dhul-gariirkii 6-da February ayaa Turkey ku dilay in ka badan 44,000 oo qof, halka kumanaan kalena ay ku dhinteen dalka deriska la ah ee Syria.

Wakaaladda wararka AFP ayaa 10-kii February werisay carada dadka Adiyaman ee ku wajahan dowladda.

“Qofna ma arag illaa 2:00 pm ee maalinkii xigay dhul-gariirka,” waxaa xilligaas sidaas AFP u sheegay Mehmet Yildirim oo degan Adiyaman.

“Dowlad ma lahan, qaran ma lahan, boolis ma lahan, askar ma lahan.Ceeb idinku dhacday. Waa nagu fiirsateen,” ayuu yiri.

Dhul-gariirka ayaa yimid xilli uu Erdogan sii helayey taageero, islamarkaana ay sare u kaceen shacabka ku qanacsan howshiisa, kadib muddo hoos u dhac uu ku yimid sababo la xiriira xasaradda dhaqaale ee sanadkii tegay.

Waxyar kadib markii dhul-gariirka uu dhacay, Erdogan ayaa qirtay “gaabis” dhanka dowladda ah oo ku aadan sida ay ula tacaashay musiibada.

Xigasho: VOA

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleLabo tareen oo fooda isku Dhacay iyo dadka badan 30 oo ku dhintay(Sawiro)
Next articleSarkaal Sare oo Ka Tirsan Alshabaab oo Lagu Qabtay Gudaha Magaalada Kismaayo iyo Xog Xasaasi ah oo uu bixiyay