Home Wararka Maanta Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirada iyo Wasiiro markale Soo laabtay

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirada iyo Wasiiro markale Soo laabtay

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa caawa magacaabay golihiisa wasiirrada, wuxuuna xafiiska Deni shaaciyey magacyada wasiirrada loo kala magacaabay 21 wasaaradood.

Dikreetada lagu magacaabay wasiirrada cusub ee Puntland waxaa warbaahinta u akhriyey Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani, liiskaan kuma jiraan wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal.

Wasiirka koowaad waxaa loo magacaabay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed.

Wasaaradda amniga Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin), wasaaradda arrimaha gudaha Puntland waxaa mar kale loo magacaabay Cabdi Faarax Juxa.

Maxamed Faarax Maxamuud ayaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda Puntland, halka Daa’uud Maxamed Cumar loo magacaabay wasaaradda qorsheynta.

Fu’aad Abshir Axmed (Adeer) ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada Puntland, halka Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel) loo magacaabay wasiirka caafimaadka.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland waxaa loo magacaabay Faarax Cawad Jaamac, halka wasiirka dekedaha loo magacaabay Shaakir Maxamed Guuleed.

Cabdullahi Bile Nuur ayaa loo magacaabay wasiirka duulista hawada, sidoo kale Maryan Axmed Cali ayaa loo magacaabay wasiirka haweenka Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland waxaa loo magacaabay Maxamuud Caydiid Dirir, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha waxaa loo magacaabay Axmed Shire Saciid.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimillada, halka Cumar Cabdisamad Yuusuf ayaa loo magacaabay wasiirka xanaanada xoolaha Puntland.

Cabdirisaaq Cabdullahi Xagaa ayaa loo magacaabay wasiirka kalluumeysiga Puntland, Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle ayaa loo magacaabay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.

Liibaan Muuse Cismaan ayaa loo magacaabay wasiirka macdanta iyo biyaha, halka Ubax Cabdirashiid Maxamed loo magacaabay wasiirka gargaarka Puntland.

Maxamed Cabdulqaadir Saalax ayaa loo magacaabay wasiirka beeraha Puntland, halka Hodan Saciid Xasan loo magacaabay wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articlewaa dhul noocee ah Dhulka Dowlada Shiinaha Laga Siiyay Muqdisho ee ay Dhawaan Dhisanayso?
Next articleSiyaasi Cabdiwaaxid Cabdulqaadir oo kasoo Goostay Soomaaliland iyo Wasiiro kusoo Dhaweeyey Muqdisho(Sawiro)