Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kooxdiisa ayaa weli ku adkeysanaya qabashada doorasho qof iyo cod oo waqtigeeda ka dib dhaceysa, taasi oo mucaaradka uu si adaga horyimid.
“Geeddi-Caano leh wejigiisi hore ee golayaasha degaanka guul ayuu ku soo dhammaaday, geeddiga dimuqoraaddiyaduna waa ka soo baxay caloosha hooyadiis ninkii is yiraahda dib ugu celina waa nin aan weli dhalan isaga ruuxiisu,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.
Wuxuu sheegay in wejiga hore ee hanaanka cusub ee doorashooyinka lagu doortay 33 degmo oo ka tirsan Puntland, islamarkaana uu si guul ah ku dhameystirmay, loona gudbi doono wejiga xigga ee doorashada madaxtinimada, taasi oo uu muran xooggan ka taagan yahay.
Juxaa ayaa sidoo kale sheegay in aan marnaba la hakin doonin hannaanka doorashooyinka qof iyo cod, islamarkaana la dhammaystiri doono wejiga xiga, xilli diidmo adag kala horyimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka.
Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu tilmaamay in ay jiraan qaladaad ka imaan kara hanaanka doorasho ee gadaal ka riixayaan Saciid Deni iyo kooxdiisa, kuwaas oo uu sheegay in diyaar u yihiin in lagu saxo wada-hadal iyo is qancin.
Si kastaba, arrintaan ayaa imanaysa xilli ay meel sare gaartay xiisadda khilaaf ee ka dhalatay doorashooyinka Puntland, kadib markii uu guddiga doorashooyinka maamulka uu soo saaray jadwal doorasho oo muddo dhaaf ah, ayada oo hubanti la’aan ka taagan tahay nooca loo qabanayo doorashada madaxtimada Puntland ee sannadka 2024.