Home Wararka Somaliya Hirshabeelle madaxweyne Cali Guudlaawe oo Sameeyey Magacibis Yaab leh oo Hadal Hayn Badan...

madaxweyne Cali Guudlaawe oo Sameeyey Magacibis Yaab leh oo Hadal Hayn Badan Dhalisay

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa wareegto uu xalay soo saaray ku magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Dhaxe iyo Duqa magaalada.

.Wareegtadan ayuuna Cali Guudlaawe mar kale ugu magacaabay Mudane Axmed Meyre Makaraan in uu noqdo guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhaxe oo xilkiisa loo raaciyay duqa magaalada oon la cadeyn magaalada ay tahay.

”Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, markuu arkay qodobka 51-aad ee dastuurka Dowladda Hirshabeelle, Markuu arkay muhiimada ay leedahay in isbedela lagu sameeyo qaab dhismeedka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe si loo dardargaliyo adeegyada bulshada, waxa uu Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada u Magacaabay Mudane Axmed Meyre Makaraan” ayaa lagu yiri wareegtada uu soo saaray Cali Guudlaawe.

Dad badan ayaana isweediiyay waxa ay ka dhigan tahay magacaabistan cusub uu sameeyay madaxweynaha Hirshabelle gaar ahaan xilka cusub uu Axmed Meyre ugu kordhiyay ee ah duqa magaalada aan la magac dhabin mida ay tahay.

Inta badan dadkii ka aragti dhiibtay magacaabistan ayaa madaxweynaha Hirshabelle si weyn ugu dhaliilay magacaabistan ay sheegeen in ay tahy mid jahwareerin ah ,sidoo kale aan xumbaarsaneyn wax micno ah .

Duqa magaalada Jowhar oo caasimad u ah maamulka Hirshabelle ayaa marka loo eego awood qeybsiga beelaha dega gobolkaasi waxaa heesta beesha Gaaljecel, lamana oga ujeedka Cali Guudlaawe ka leeyahay magacaabistan lagu jahwareeray.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleXildhibaan Isaaq Maxamed oo Caawa lagu Dilay Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo baxaysa
Next articleXasan Oo Talyaaniga U aaday Sidii Uu Taageero Ugu Heli Lahaa Dagaalka Shabaab