Home Wararka Maanta Madaxweyne Cali Guudlaawe oo lagu eedeeyay arrin yaab leh oo ka taagan...

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo lagu eedeeyay arrin yaab leh oo ka taagan HirShabelle

0

Duqii hore ee magaalada Beledweyne Cali Sandheere oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda HirShabelle oo todobaadkan u dabaal-degtay sanad guuradeed sideedaad.

Cali Sandheere ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday maamulka uu hoggaamiyao madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, wuxuuna ku eedeeyay inuu la dagay horumarkii HirShabelle oo uu tilmaamay inay ka hartay maamulladii kale ee asaaga la’ahaa.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xitaa HirShabelle aysan lahayn madaxtooyo ay maanta ku shiri karaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, sida uu hadalka u dhigay.

“HirShabelle waa la socotaa madaxtooyo lama dhisin ma aragtay weli maamul goboleedyada oo ku shiraayo” ayuu yiri duqii hore ee magaalada Beledweyne.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in wasiirada HirShabelle aysan lahayn meelo ay ku shiraan, isla markaana ay isugu tegaan geedaha hoostooda.

Golaha wasiirada HirShabelle meel ay ku shiraan ma laha waxay isugu yimaadaan meel yar oo geedo hoostood ah, sababtana waxaa waayey waa maamul xumo” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale, Cali Sandheere ayaa ku eedeeyay madaxda HirShabelle inay hortaagan yihiin mashaariic muhiim ah oo laga hirgelin lahaa gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, sababtuna ay tahay maamul xumo dartood.

“Hay’adaha waxay jecel yihiin inay mashaariicda ka fuliyaan HirShabelle, haddana waxaa laga fulin waayay waa maamul xumo, wuxuu noqoyay fadhiid, ma jiro illaa iyo hadda hal mashruuc oo wax ku ool ah oo fulay illaa iyo hadda” ayuu mar kale yiri Cali Sandheere.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo ku Wajahan Balidoogle iyo Qorshaha Safarkiisa
Next articlePuntland oo Diiday in Ciidamo Laga Soo qoro Deganadooda