Home Wararka Maanta Madaxweyne Biden oo soo saaraya sharci ka farxinaya Soomaalida Mareykanka

Madaxweyne Biden oo soo saaraya sharci ka farxinaya Soomaalida Mareykanka

0

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo siyaasad cusub oo ilaalinaysa dadka magangalyo doonka ah ee dalkaas tagay muddo hore si aan loo masaafurin, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka.

Siyaasadan cusub ayaa caawin doonta kumanaan qof oo muddo 0 sano ah ku noolaa Maraykanka balse an la siin sharciga dalkaasi.

Dadkaas ayaa isugu jira kuwo iyagoo carruur ah waalidkooda si tarhiib ah kula galeen Maraykanka, kuwo qaangaar ahaa oo si sharci darraa ku galay dalkaas balse markii danbe guursaday muwaadinad ama muwaadin Maryakanka ah.

Waxaa kale oo sharcigu caawin kari doonaa dadka dalka Maraykanka ku galay Viso balse aan laaban markii uu dhacay oo muddo tobban sanaana ku noolaa dalkaasi.

Dadkaas waxaa kale oo ku jira kuwa muddo dheer wax ka baranayey Maraykanka iyo kuwo bixinayey canshuuraha oo shaqooyin ku helay sharciyo kumelgaara oo bini’aaddanimo ah.

Sharciyaqaan Aamiin Haruun oo ka howlgala magalaada Minneapolis, ayaa Idaacadda BBC u sheegay in ku dhawaad shan boqol ilaa hal milyan oo qof ayaa la rajaynayaa inay ka faa’iidaysan doonaan siyaasadan cusub ee maamulka Biden.

Waxaa jira Soomaali badan oo dalka Maraykanka ku galay qaab tahriib sanado badan ka hor kuwaas oo inta gaarta mudda 10 sanaa sidoo kale ay heli karayaan fursadan sida uu xusay garyaqaan Aamiin Haaruun.

Aqalka Cad ayaa rumeysan in in ka badan 500,000 oo xaasas ah oo haysta dhalashada Mareykanka ay ka faa’ideysan doonaan, marka lagu daro 50,000 oo dhallinyaro ah oo ka yar 21 sano oo ay dhaleen waalidiin haysta dhalashada Maraykanka.

Barnaamijku wuxuu u oggolaanayaa lammaanaha iyo carruurtaba inay codsadaan deggenaansho rasmi ah iyaga oo aan ka tagin Maraykanka, nidaamka ayaana Meesha ka saaraysa habraac dheer oo suurtagal ah haddii uu tarxiil imaan lahaa in qoysasku go’aan.

Ad
Previous articleIbraahim Sheekh Aadan oo 16 sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo Gacanta Dowlada Soo Galay Xog layaab lehna Bixiyay
Next articleCiidamada Danab oo Gacanta Ku Dhiigay Hoogaamiyahaan oo Si Wayn loo Baadi Goobaayay.