Madaxweynayaasha Eritrea Isaias Afwerki iyo Masar Cabdul-Fattaax al-Sisi ayaa ku kulmay magaalada Qaahira ee dalka Masar, kadib markii Afwerki uu Sabtigii u safray dalka Masar, arrimaha ay ka hadleen waxaa ka mid ahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wasiirro ay ka mid yihiin Warfaafinta iyo Arrimaha Dibadda Cusmaan Saalax ayaa ka mid ah wafdiga Madaxweyne Afwerki ee booqashada ku jooga dalka Masar, waxayna madaxda dalkaas kala hadli doonaan arrimaha labada dal, kuwa caalamka iyo gobolka intaba.
Madaxweynaha Masar ayaa bishii hore wasiirkiisa arrimaha dibadda Asseed Sameh Shukri u diray dalka Eritrea, xiligaas ayaa casuumaada Masar la gaarsiiyeyMadaxweyna Eritrea Afwerki, waxayna maalmahaan ka hadli doonaan dagaalka sokeeye ee Suudaan, xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika.
Saxiixa heshiiska dekedaha ee Itoobiya iyo Somaliland ee bishii January, ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya iyo guud ahaan gobolka, arrintaan si weyn ayey maanta u gorfeeyeen labada Madaxweyne ee Masar iyo Eritrea.
Warar laga baahiyey kulankii maanta ayaa xaqiijinaya in labada dal ay isku raaceen in si buuxda Soomaaliya loogu garab istaago ilaalinta madax-banaanida iyo wadajirkeeda dhuleed, waxayna ku balameen in Soomaaliya dhinac kasta uu u fidiyo garabka ay uga baahato.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada olole diblamaasiyadeed oo xooggan oo uu ku doonayo in uu meesha uga saaro heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, madaxweynayaasha Masar iyo Eritrea ayaa ka mid ahaa madaxdii ugu horeysay ee Xasan Sheekh uu la kulmay.
Madaxweyne Al-Sisi ayaa 21-kii bishii Janaayo yiri “Masar uma dulqaadan doonto wax kasta oo khatar ku ah Soomaaliya iyo ammaankeeda” hadalkaas markii uu dhahayey waa garab taagnaa Madaxweyne Xasan Sheekh.