Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliland oo Kulan la qaatay Madaxdii soo martay Maamulkaasi

Madaxweynaha Somaliland oo Kulan la qaatay Madaxdii soo martay Maamulkaasi

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa kulan wadatashi ah madaxtooyada kula yeeshay madaxweynayaashii hore, qaar kamid ah ku xigeenadoodii iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada, Baashe Maxamed Faarax.

Kulankan oo lagaga warbixiyay warsaxaafadeed kasoo baxday madaxtooyada ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayay wadatashi la xidhiidha arrimaha muhiimka ah ee hadda taagan, iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

“Arrimaha muhiimka ah ee uu Madaxweynuhu kala hadlay madaxweynayaashii iyo ku-xigeenadii hore ayaa ahaa wada-tashi la xidhiidha xaaladaha hadda taagan ee muhiimadda iyo mudnaanta gaarka ah u leh Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Marka laga yimaado warbixinta kooban ee kasoo baxday madaxtooyada, waxa loo badinayaa in laga wada hadlay ammaanka guud ee Somaliland, sida colaadaha gobollada bari ka taagan iyo colaadda magaalada Dacawalay ee Itoobiya oo saamayn ku leh Somaliland.

Waxa kulanka kasoo qaybgalay Madaxweynihii 5-aad ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi; Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin; Madaxweyne-ku-xigeenkii 3-aad, Axmed Yuusuf Yaasiin; Madaxweyne-ku-xigeenkii 2-aad, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax; iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax.

Waxayna u suurtogelin in ay kulankan ka qayb galaan Madaxweyne-ku-xigeenkii 4-aad iyo 5-aad, Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo hooyadii ku geeriyootay Boorama. Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenkii 1-aad ee Somaliland, Xasan Ciise Jaamac, ayaa kulanka kaga maqnaa xaalad caafimaad.

Ad
Previous articleSarakiil Sar Sare oo Gaaray Hirshabeele si ay usoo Qabtaan Ragii laayay ciidamadii Xooga ee aanada Loo laayay
Next articleDowlada Mareykanka oo soo Tarxiisay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Somaliya oo Tacadiyo ka geestay Somaliland