Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Qaabka uu ku Wajahayo Dagaalka Ceergaabo

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Qaabka uu ku Wajahayo Dagaalka Ceergaabo

0

Fadhigii 2-aad ee Golaha Wasiirrada oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa galabta 2:00-dii duhurnimo ka furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Waxa xusid mudan in Shirka Golaha Wasiirradda loo bedelay gelinka dambe (2:00 pm ilaa 5:00pm), taasi oo ay macnaheedu tahay in Wasiiradu ay gelinka hore ummadda u shaqeeyaan, gelinka dambena ay ka soo qayb galaan Shirka.

Aayado Qur’aan ah ka dib, Madaxweynuhu wuxuu dib-u-milicsi ku sameeyey arrimihii lagu balamay fadhigii 1aad iyo waxa kafulay. Intaa kadib, Madaxweynuhu wuxuu Wasiirrada ka dalbaday in ay  mid mid uga war bixiyaan qaabka ay ula wareegeen Wasaaradaha. Dhammaan Wasiiradu waxay sheegeen in  muddadii loo qabtay ay kula wareegeen Wasaaradaha, marka laga reebo Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Somaliland, (oo hore loo odhan jiray Hay’adda, Qoxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha).

Ugu horayn, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo golaha la wadaagay xaaladda dhaqaale ee dalka iyo dardargelinta dakhli ururinta Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa isna Golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee shaqaaqooyinkii magaalada Ceerigaabo dhexdeeda ka dhacay.

Sidoo kale waxa isna Amniga Gudaha ka war bixiyey Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in guud ahaanba dalku uu nabad yahay, laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay in Difaaca Dalka Jamhuuriyadda Somaliland yahay waajib Qaran.

Dhinaca kale, Garyaqaanka Guud ayaa Golaha Wasiirrada u faah-faahiyey Xeer Lr.71/2015 oo khuseeya Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeer Nidaamka kala xadaynta Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa-banaan, taasoo ay Goluhu ka yeesheen dood dheer.

Intaa ka dib, waxa Golaha si kooban ula hadlay Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay Hawlaha Hortabinta leh 100 maalmood ee u horeeya Muddo Xileedka Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Ugu Danbayntii Madaxweynuhu waxa uu Golaha la wadaagay in isaga iyo ku xigeenkiisaba loo dhaariyey in ay difaacaan dalka, dadka iyo diintaba. Madaxweynuhu wuxuu Golaha u sheegay in Xukuumadiisu ay mudnaanta 1aad siinayso wada hadal, nabad iyo walaalnimo ay ku wada noolaadaan dhammaan bulshada Somaliland; balse ay Xukuumaddiisa ka go’an tahay Difaaca Qaranka Somaliland

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleMeydadka Wiil iyo Gabadh Dhallinyaro oo laga helay Gaari Dhexdiisa Magaalada Hargeysa
Next articleZelenskyy oo ku booriyay wadamada Yurub inay bixiyaan dammaanad lagu ilaalinayo Ukraine