Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland oo Garoowe uga Dhawaaqay shir looga hadlayo dowlad dhiska Somalia

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe uga Dhawaaqay shir looga hadlayo dowlad dhiska Somalia

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu qorshaynayso inay Magaalada Garoowe martigeliso.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu qorshaynayso inay Magaalada Garoowe martigeliso shir looga arrinsanayo arrimaha dowlad dhiska Soomaaliya iyo xal u heliddiisa.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay inay Garoowe shir ugu qaban doonaan aqoon yahanka Soomaaliyeed si ay u keenaan fikrado ka duwan kuwa siyaasiyiinta huwan danaha gaarka ah, si xal looga gaaro arrimaha dowlad dhiska dalka Soomaaliya.

“Dowladda Puntland ahaan waxaan rabnaa inaan ka shaqayno sidii aan aqoonyahanada khibradda gaarka ah u leh dhiska inaan shir Garoowe ugu qabano oo bal Somalia dowlad dhiskeeda waxa caqabada ku ah si cilmi ah loo baaro”, Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaasi ku daray,”Siyaasiga waa laga yaabaa damac kale inuu huwan yahay laakiin waxaan rabnaa caqligu inuu taliyo oo damaca iyo caaddifaddu aysan noqon waxa dadka hoggaamiya, dawrkaas waxaa laga rabaa aqoon yahanka Soomaaliyeed iyo culimada.”

Ad