Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Shalay kormeer ku tagay furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee gobolka Baay ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ka adkaan doonaan kooxda Al-shabaab.
Madaxweyne Laftagareen ayaa ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka ku amaanay sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dalka, isagoona xusay in maamulkiisa ay ka go’an tahay xasilinta amniga iyo nabada guud ee deegaanada Koonfur Galbeed.
“Ma jirto dib u gurasho oo ciidamadiina waxaad haysaaan taageero buuxda oo ay idiin hayaan dowladda iyo shacabka, waxaan idiin sheegaya inaan dhawaan Khawarijta ka adkaan doono” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.
Booqashadaan uu furimaha hore ee dagaalka gobolka Baay uu ku tagay madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadeysa, iyadoo deegaano ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool ka socdaan howlgallo balaaran oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.
Ugu dambeytii dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay Kooxda Al-Shabaab kaga dileen dagaal ka dhacay deegaanka Barujeed oo hoostaga Deynuunaay ku dhawaad 20 xubnood oo ay ku jireen horjoogayaal ajaaniib iyo Soomaali ah iyo maleeshiyaad kale.