Home Wararka Maanta Madaxweynaha Kenya Oo Deg Deg uga Laabtay Shircigii Sabab Banaanbixii Shalay

Madaxweynaha Kenya Oo Deg Deg uga Laabtay Shircigii Sabab Banaanbixii Shalay

0

Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo dadweynaha si toos warbaahinta ugu hadlayey, ayaa sheegay in uu ka laabtay inuu saxiixo,hinde sharciyeedka maaliyada ee shalay barlamaanku ansixiyeen.

Sharcigaas ayaa dhaliyey banaanbaxyo waaweyn oo gilgilay Kenya, kuwaas oo dad ku dhinteen.

Kii ugu balaarnaa ayaa shalay ka dhacay caasimada Nairobi iyo meelo kale oo dalkaa ah.

Dadka dibadbaxayey ayaa ka ashkatoonayey canshuur kordhin ay dowladdu soo rogtay.

Madaxweyne Ruto, ayaa sheegay inuu dhagaystay dalabadkii shacabka, basle ay muhin tahay sida uu sheegay in la eego wixii dhacay.

In ka badan 160 bukaan oo ku dhaawacmay dibadbaxyadii shalay ka dhacay Nairobi oo la daweynayo

Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta ayaa lagu dabiibayaa in ka badan 160 bukaano ah oo ku dhaawacmay dibadbaxyadii shalay ka dhacay magaalada Nairobi.

Ku-simaha madaxa qalliinka, Dr. Benjamin Wabwire ayaa sheegay in badi bukaannada la keenay lix ay qabaan dhaawacyo rasaas ah halka labaatan kale ay dhaawacyo ka soo gaareen rasaasta cinjirka ah.

“Nooca dhaawacyada aan daweyneyno, tani waa tiro aad u muhiim ah.”

72 bukaan ayaa la daweeyay oo laga saaray, halka 23 ay sugayaan habraacyo dheeri ah.

Cisbitaalka ayaa sidoo kale xalay la geeyey shan iyo tobban bukaanoo laga keenya Githurai, halkaas oo ay ka jireen eedeymo boolisk naxariis darro.

Siddeed qof ayaa la dhigay qaybta qaliimada oo loo smaeeyey qaliimo kala duwan.

Cisbitaalka ayaa diiwaangeliyay saddex dhimasho ah, laba mayd ayaa la sheegay in ay dhinteen markii la yimi iyo hal qof ayaa dhintay iyada oo la daweynayo

Ad
Previous articleSoomaaliya oo Markale U Dacwootay Maraykanka(Sawiro)
Next articleMukhtaar maxamed yerow oo ugubDanbayn Soogalay Gacanta Dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here