Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor), ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo tagay magaalada Dhuusamareeb.
Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan Galmudug, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay shirarka siyaasadeed ee la filayo in la qabto, amniga, iyo dadaallada lagu xoojinayo la dagaallanka Khawaarijta.
Waxaa sidoo kale laga wada hadlay doorka ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka qaadanayaan hawlaha horumarineed iyo gargaarka bini’aadantinimo ee ka socda deegaannada Galmudug.
Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay Sacuudiga iyo Qatar horay u balanqaadeen inay bixinayaan deymaha lagu leeyahay dawladda Suuriya, taasoo qayb ka ah dadaallada dib loogu soo celinayo Suuriya saaxadda caalamka, kadib in ka badan 11 sano oo dagaallo sokeeye ah.