Home Wararka Maanta Madaxweynaha dowlad Degaanka Soomalida oo Shaaciyay in Dagaalka Lagu Soo qaaday La...

Madaxweynaha dowlad Degaanka Soomalida oo Shaaciyay in Dagaalka Lagu Soo qaaday La xariiro Biyo-Xireenka Abay

0

Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaali Galbeed ayaa kudhawaaqay in dagaalka lagu soo qaaday Dawlad Deegaanka uu yahay mid la xariira Isku heysiga Biyo-Xireenka Abay Ee ay isku hayaan Itoobiya iyo Masar.

Madaxwayne Mustafe oo waraysi siiyay warbaahinta VOA-da[Amharic] ayaa sheegay in weerarka Alshabaab ay qayb ka yihiin jabhadaha Itoobiya ka dagaalama[Caddawga gudaha] iyo caddawga gobalka ee ay is hayaan Itoobiya.

Madaxwayne Mustafe, ayaa sheegay in dagaalkan la xidhiidho wabiga[Biyaha].Wuxuuna sheegay in Alshabaab ku doonaysay in saldhigato Itoobiya oo ay ka dhaq-dhaqaaqdo.

Qorshaha kooxdan oo uu ku sifeeyay in dhinacyo kale ku lug leeyihiin ayuu ku timaamay mid Deeganada Oromada iyo Soomalida ku wajahnaa,gaar ahaan in buurraha dhanka Celkari iyo Baal[Oromo] saldhig laga dhigto.

Madaxwayne Mustafe ayaa xusay in siguud qorshahan la fashiliyay,wuxuuna intaas raaciyay in macluumadkan iyo kuwa aan la shaacinba laga helay xubnihii argagixisada laga qabtay.[Maxbuuska]

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Ciidanka dowlad-degaanka Soomaalida iyo ALSHABAAB
Next articleHadal uu wasiir ka tirsan dowladda Kenya ku yiri gabar Muslim ah oo caro wayn dhaliyay.