Home Wararka Maanta Madaxweynaha Djibouti oo u diray caalamka digniin la xiriirta Soomaaliya kana Farxiyay...

Madaxweynaha Djibouti oo u diray caalamka digniin la xiriirta Soomaaliya kana Farxiyay Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Madaxweynaha Jabbuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si weyn u taageerey in dib loo dhigo xilliga ay Soomaaliya ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta ee ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii September ee tagtay si rasmi ah codsatay in la hakiyo qorshihii bixitaanka ciidammadii Nabad Ilaalinta u joogay Soomaaliya, oo muddooyinkii u danbeeyey si qayb qayb ah uga baxayey guud ahaan fadhiisimmadii ay ku lahaayeen dalka.

Bisha December ee sanadka 2024 ayaa loo asteeyay waqtiga ugu dambeeya ee ay Soomaaliya ka baxayaan guud ahaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka TRT World ayaa sheegay in haddii ay ciidamada ATMIS Soomaaliya ka baxaan iyada oo aan la diyaar garoobin ay dhaceyso xaalad jahweer ah oo la mid ah tii ka dhacday Afghanistan.

“Bilahan soo socda aad ayay muhiim u yihiin, haddii kale waxaanu marlabaad arki doonaa wixii ka dhacay Afghanistan markii ay ciidamada Mareykanka waddanka ka baxeen iyada oo aan diyaar garow jirin sidaa darteed tan Soomaaliya haddii ay sidaas dhacdo waxaa gebi ahaanba dhimanaya rajada dadka oo dhan.”

Horay Jabuuti iyo Kenya ayaa walaac uga muujiyay ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya waxayna markaasi sheegeen in ciidamo ka socda labada dal oo ka madax bannaan kuwa ATMIS ay geyn doonaan guadaha Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa isna walaac ka muujiyay bixitaan ciidamada Nabada Ilaalinta ee ATMIS iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa go’aan aan laga fiirsan, horseedi karana in Al-shabaab ay qabsadaan goobaha ay baneeyaan ciidamada maaddaamaa ciidamada Soomaaliya ay ku adagtahay in sugaan amniga goobahaas.

Markii ay ciidamada ka baxeen qeybo ka mid ah goobihii ay sugnaayeen ayaa waxaa qaar ka mid ah dib u qabsaday Al-shabaab taas oo walaac badan abuurtay.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleAlshabaab ku Sugnaa Degmada Bu,aale oo Duqayn Lala Beegsaday
Next articleWargayska New York Times oo shalay baahiyey qoraal sir ah oo la xariira dagaalkii Black Hawk Down ee 30 sano ka hor maanta oo kale