Madaxweynaha Kenya William Ruto oo todobaadkaan dalkiisa uu marti-geliyay shirka Golaha Deegaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wada dadaallo la isugu soo dhoweynayo Soomaaliya iyo Itoobiya.
Qoraal laga soo saaray madaxtooyada Kenya, kadib kulan dhex-maray William Ruto iyo Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in madaxda Kenya iyo Itoobiya ay caddeeyeen sida ay ugu go’an tahay aqoonsiga, ixtiraamka iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed.
Sidoo kale waxay diidaan isbeddellada aan dastuuriga ahayn ee dawladaha iyo sidoo kale faragelinta hababka siyaasadeed ee gudaha ee dalalka Afrika ee danaha dibadda, iyada oo lagu xusin magaca Soomaaliya.
Mr. Ruto oo adeegsanaya siyaasad u muuqatay dhex-dhexaadnimo si uu u qaboojiyo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si weyn isugu xil saaray sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoona kala hadlay labada mas’uul ee Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed in laga billaabo usbuucan ay labadaba Addis Ababa iyo Muqdisho hoos u dhigaan hadalladooda fagaare ka hadalka ee midba midka kale ka soo horjeeda.
Ilaha diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu Ruto ka diiday in ay kulmaan Abiy Ahmed ilaa Itoobiya ay ka laabaneyso damaceeda dhul boob, taasi badalkeedna madaxweyne Ruto wuxuu ka codsaday Xasan Sheekh in uu xadido hadallada kala fogeynta dhalin kara ee uu warbaahinta ama uu madalaha caalamiga ka jeedinayo.