Madaxii sirdoonka millatariga Israa’iil General Aharon Haliva ayaa iscasilay, isagoo sheegay in uu qaatay mas’uuliyadda guul-darrooyinka weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar.
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in Major General Aharon Haliva uu shaqada ka fariisan doono marka la doorto qofka bedeli doona. Waxa uu ku qiray warqad in agaasinka sirdoonka uusan ka soo bixin hawshii loo igmaday. Waa mas’uulkii ugu horreeyay ee xilka ka daga weerarkaas oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara Israa’iil.
Maj Gen Haliva ayaa iscasilaadiisa la saadaalinayay, maadaama uu sheegay 10 maalmood ka dib weerarka in uu si buuxda u leeyahay masuuliyada fashilka dhanka sirdoonka ee agaasinkiisa.
Madaxa shaqaalaha ee IDF, Lt Gen Herzi Halevi, iyo agaasimaha adeegga amniga Shin Bet, Ronen Bar, labaduba waxay qaadeen mas’uuliyadda ku guul dareysiga ilaalinta Israa’iiliyiinta, laakiin waxay go’aansadeen inay ku sii jiraan dagaalka Gaza.
Saraakiisha millatariga iyo sirdoonka Israa’iil ayaa seegay ama iska dhega tiray digniino badan ka hor inta aanay boqollaal nin oo hubaysan oo Xamaas ahi soo jabin xayndaabka xadka Gaza maalintaas oo ay weerareen bulshooyinka Israa’iil ee u dhow, saldhigyo ciidan.
Qiyaastii 1,200 oo Israa’iiliyiin iyo ajaanib isugu jirta oo u badan rayid – ayaa la dilay 253 kalena waxaa loo kaxaystey ama qafaashay Qaza sida ay sheegtay Israa’iil.
Israa’iil ayaa ka jawaabtay in ay Gaza ka billowday dagaalkii ugu xoogganaa abid, ujeeddaduna tahay in ay burburiso Xamaas oo ay ka sii dayso la haystayaasha.
In ka badan 34,000 oo falastiiniyiin ah oo ku sugan Gaza oo u badan caruur iyo haween ayaa lagu dilay duqeyn , sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee dhulkaas.