Home Wararka Maanta Madaxii kooxda Daacish ee haystay Tuurmasaale oo la Dilay

Madaxii kooxda Daacish ee haystay Tuurmasaale oo la Dilay

0

Madaxii kooxda Daacish ee haystay Tuurmasaale ilaa Dhasaan Abdullaahi Tunuusi ayaa la helay dhamaan agabyadiisii, waxaana la xaqiiqsaday in lagu dilay dagaalkii dhacay 11-kii bishan, ka dibna kooxda Argagixiso ayaa meydkiida ku qarxisay Diyaarad Drone ah si aan loo aqoonsan.

Abdullaahi Tanusi oo hadda la hayo dhammaan qoraaladii kuqoray gacantiis intii uu noolaa ciidamadii uu xukumayay tiradooda, agabka ay wateen & dalalka ay kasoo jeedaan, kuwaas oo muujinaya jabka Kooxda Daacish.

Waraaqahan hoose, ayaa muujinaya hub kasta oo uu bixiyey, dadka u dhiibay, ciidanka uu dagaalgashay & dalalka ay kasoo jeedeen, kuwaas oo dhammaan cidna kasoo laaban, isaguna ugu dambeyntii gacanta ciidanka Puntland uu ku baxay.

Kaliya Tunuusi, maaha madaxda Argagixiso ee la dilay, ee intii ugu badnayd oo ajaaniib ahayd, ayaa buurahan u noqdeen Qabuuro ay bahdilan ugu qur-baxaan.

In dhammaan cadeymahan ay ka cararaan kooxda Daacish, waxay muujinaysaa in ay si xun u jabeen.

Ad
Previous articleDagaal Ka dhacay Magaalada Matabaan ee Galmudug
Next articleTaliyayaasha Ciidamada Soomaaliya Iyo Itoobiya oo Heshiis Muqdisho ku kala Saxiixday(Sawiro)