Madaxda sare ee dalka, oo ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa qoraal kasoo saaray geerida ku timid AUN Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.
Ugu horreyn, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Wasiir Khadiija, isaga oo ku tilmaamay mid qalbi taabad ah oo aad u xanuun badan.
“Innaa Lillaahi waa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa mid qalbigeenna taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxa uu intaas kusii daray “Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaan Khadiijo ay ahayd howlkar wasiir ka noqotay wasaaradda kala duwan, wakhti adagna u soo shaqeysay dalkeenna, kuna tilmaamnayd garab istaagga iyo u damqashada dadkeenna nugul, haweenka iyo dhallinyarada.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumad Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumadda Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.
Waxa uu xusay inay kamid ahayd gabdhihii fara ku tiriska ahaa ee waqtiga badan geliyay dib u dhisidda Jamhuuriyadda seddexaad ee Soomaaliya, iyadoona kamid ahayd ka qeyb-galayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, oo socday intii u dhaxeysay 20-ka April ilaa 5-ta May ee sanadii 2000, kaas oo ay Soomaaliya ku soo ceshatay dowladnimadeeda.