Home Wararka Somaliya Madaxda Galmudug iyo Hir-Shabeelle oo deg deg Maanta ku imaanaya Muqdisho

Madaxda Galmudug iyo Hir-Shabeelle oo deg deg Maanta ku imaanaya Muqdisho

0

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Cali Guudlaawe Xuseen.

labada Madaxweyne ayaa si kala gooni gooni ah diyaarado uga soo kala raacay Magaalooyinka Jowhar oo Gobolka Shabeellaha Dhexe ah iyo Magaalada Dhuusamareeb oo Gobolka Galgaduud ah.

Safarka labada Madaxweyne ay ku imaanayaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu ka taagan yahay  khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya RW Rooble iyo Farmaajo kaas oo gaaray meeshii ugu sarreysay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada Madaxweyne ee Hir-Shabeelle iyo Galmudug ay Muqdisho ka bilaabayaan waan waan lagu dhex dhexaadinayo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble si xal buuxa loo gaaro.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ku guuleysan waayay in uu xaliyo khilaafkaan kii ka horreeyay balse uu ku guuleystay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen).

Ad
Previous articleTaliska Africom oo war kasoo Saaray Xalaada Kacsan ee Soomaaliya
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo Muqdisho ka degay (Sawiro)