Home Wararka Maanta Madaale oo lagu eedeeyey inuu Fatwooday Weerarkii Liido

Madaale oo lagu eedeeyey inuu Fatwooday Weerarkii Liido

0

Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta la hadashay Wariyeyaasha ayaa eedeyn culus u jeedisay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Faa’iso Jayte ayaa sheegtay in Madaale uu hadda kahor Fatwo kasoo saaray xeebta Liido, isla markaana uu sheegay inuu ka socda fisqi xoogan, kadibna uu xigay weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay lagu qaaday ee lagu laayay dadka badan.

“Heer waxaa la marayaa dadkii dadka mas’uulka ka ahaa oo nabad-galyadooda iyo hantidooda iyaga lagu aamninay ay dhahaan fisqi ayaa meesha ka socda oo Gudoomiyihii gobolka fatwooday in Liido la qarxiyo oo dhahay fisqi ayaa ka jira waa wax laga xumaado” ayay tiri Xildhibaan Faa’iso Jayte.

Sidoo kale waxa ay xildhibaannadu sii raacisay Meel bannaan ah oo barxad ah oo la’isugu yimiday oo la’isku wada jeedo fisqiga ka socdo muxuu yahay?.

Xildhibaan Faa’iso Jayte oo hadalkeeda sii wadata ayaa xukuumadda ku dhaliishay banaan-bixii Isniintii ka dhacay xeebta Liido, waxayna tilmaamay inuu mid digasho ah, isla markaana dano gaar ah laga lahaa, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaan rabaa inaa cambaareeyo banaanbixii lagu sheegay in looga banaan baxaayo dhibaatadii Liido ka dhacday, iyada oo dadka banaanbaxaayay ay ahaayeen shaqaalaha rayidka oo lagu yiri haddii aan banaanbixi weysaan waxaa la’idinka joojinayaan xuquuqdiina oo mushaar ma haleysiin” ayuu hadalkeeda kusii dartay xildhibaanadda.

Ugu dambeyn xildhibaanadda ayaa ugu baaqday shacabka Muqdisho inay sameeyaan kacdoon, isla markaana ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu hayo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo saameyn xoogan uu ka dhashay weerarkii xeebta Liido, kaas oo dhaliyay shaki oo laga muujiyay sida ay Al-Shabaab ku gaareen halkaasi, maadaama ay ka sokeeyaan baro koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleBaarlamaanka Soomaaliya oo maantay Ansixiyay Sharci dad Badan ku Farxeen
Next articleDowlada Masar oo Ciidamo Usoo Diraysa Soomaaliya