Home Wararka Maanta Madaale Maku Bixi Doonaa Gafkii uu ugaystay Baarlamaanka Soomaaliya Xili Looga Yeeray...

Madaale Maku Bixi Doonaa Gafkii uu ugaystay Baarlamaanka Soomaaliya Xili Looga Yeeray Villa Hargaysa?

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa Shalay hortegay guddiga arrimaha gudaha ee golaha shacabka, isagoo wajahay su’aalo adag oo laga weydiiyey xaaladda Muqdisho.

Sidoo kale guddiga ayaa guddoomiye Madaale u qabsaday sababta uu ugu gefay xildhibaanada mucaaradka ku ah xukuumadda oo uu ku tilmaamay kuwo baahan, wuxuuna Madaale mar kale arrintaas galabta ka bixiyey raali gelin.

Sidoo kale, qaraxii dadka shacabka ah lagu laayey ee ka dhacay xeebta Liido ayaa su’aalo laga weydiiyey Madaale iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira magaalada.

Xildhibaanada guddigaas ku jira ayaa guddoomiyaha su’aalo badan ka weydiiyey dib u dhaca ka jira caasimada ee dadka reer Muqdisho ay dareemayaan.

Kulankaan waxaa loo diiday warbaahinta wuxuuna ahaa mid ay Albaabadu u xiran yihiin, taasi oo yareysay xogta laga heli karo, warbaahintii u tagtay inay soo tebiso ayaa lagu wargeliyey inay iska laabtaan.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee golaha shacabka Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye oo warbaahinta la hadlay markii kulankaasi soo dhamaaday ayaa yiri, “Anaga oo ah Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Maamulada BJFS waxaan la kulanay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, kulanka waxaan uga hadalnay weerarkii Khawaarijtu ku qaaday shacabkii ku sugnaa xeebta Liido”.

Guddiga ayaa isla maanta u yeeray wasiirka arrimaha gudaha, sida uu cadeeyey Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye waxaana la weydiiyey su’aalo lamid ah kuwa Madaale la weydiiyey.

Guddoomiye Madaale ayaa xiligaan la kulmaya cadaados adag, maadaama magaalada Muqdisho ay ku nool shahay bulsho badan caqabado badana ay ka jiraan, xiliyada qaraxyadu dhacaan iyo markii Roob da’o waxay Muqdisho gashaa xaalad xasaasi ah, taas oo indhaha bulshada ku soo jeedisa guddoomiyaha.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleWaa Kuma ninka Israil Ka Naxday ee loo Doortay Badalka Ismaaciil Haniyah
Next articleKamala Harris oo u Magacowday Tim Walz Madaxweyne kuxigeenka xisbiga Dimuquraadiga