Home Wararka Maanta Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo dhoweeyay dhameystirka dastuurka Soomaaliya

Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo dhoweeyay dhameystirka dastuurka Soomaaliya

0

Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ayaa bayaan ay soo saartay ku soo dhaweysay ansixinta dib u eegista iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay si diirran u taageerayso tallaabooyinka ay qaadeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la xiriira geeddi-socodka dhammeystirka dastuurka federaalka.

Wasaaraddu waxay ku tilmaantay arrintan mid muhiim u ah horumarinta dowladnimada Soomaaliya, iyadoo xustay in dastuur dhammaystiran uu saldhig u yahay nidaamka dowladeed, kala-sarraynta hay’adaha, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhammeystirka dastuurku uu xoojin doono nidaamka federaalka, isla markaana uu caddeyn doono awoodaha dowladaha kala duwan, taasoo gacan ka geysan karta xallinta khilaafaadka sharci iyo kuwa maamul ee dalka ka jira.

Wasaaradda Cadaaladda ee Puntland waxay ugu baaqday hay’adaha dowliga ah, dowlad-goboleedyada iyo dhammaan qaybaha bulshada inay ka qayb qaataan talo-bixinta iyo wada-tashiyada la xiriira geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, si loo helo dastuur ay ku mideysan yihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, wasaaraddu waxay ku boorrisay labada aqal ee baarlamaanka federaalka inay sii wadaan dadaallada lagu dhammaystirayo dastuurka, iyagoo ilaalinaya midnimada, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Ad