Home Wararka Maanta Maamulka Somaliland oo Dowlada Mareykanka kala hadashey in la baajiyo Safarka Raisal...

Maamulka Somaliland oo Dowlada Mareykanka kala hadashey in la baajiyo Safarka Raisal Wasaare Xamze bare

0

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay Maraykanka kala hadashay sidii loo joojin lahaa safarka u qorsheysan Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, in uu ku tago magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo ku sugan Washington, ayaa kulan uu barta X (Twitter) kula yeeshay qaar ka mid ah bulshada Somaliland, ka sheegay in dowladda Maraykanka ay la qaadatay aragtida ah in safarka Raysal Wasaaraha si degdeg ah loo joojiyo.

“Ninkii Raysal Wasaaraha ahaa ee tagayay Laascaanood dagaal weyn ayaanu maanta ka galnay, dowladda Maraykanku way nala qaadatay in si degdeg ah loo joojiyo, oo uuna tagin,” ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Waxa uu intaas ku daray in dowladda Maraykanka ay u sheegeen in safarka Raysal Wasaaraha ay dad kale dabada ka riixayaan, isla markaana markasta oo wanaagga Somaliland adduunyadu majeerato, ay dowladda Soomaaliya ishortaagto, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay yidhaahdeen in ay Al-Shabaab Xamar ka difaacaan ay ahayd, ee in Raysal Wasaare Laascaanood loo diro ma aha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Aadan.

Wasiirku waxa uu sheegay in safarkiisa uu Washington ku joogo uu gogol xaadh u yahay safar weyn oo ay bisha May ku tagi doonaan Maraykanka, intaa kadibna uu Madaxweynaha Somaliland booqan doono Washington, isaga oo sheegay in sugitaankii aqoonsigu uu soo gabagaboobay, isaga oo rajo weyn ka muujiyay in Maraykanku aqoonsado Somaliland.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu safar ku tagayo magaalada Laascaanood, halkaas oo uu maamulka SSC-Khaatumo ka wado diyaargarow lagu soo dhawaynayo, iyaga oo sheegay in socdaalka Xamse uu muhiim u yahay midnimada Soomaaliya.

Somaliland oo lumisay gacan-ku-haynta magaalada Laascaanood horraantii sannadkii 2023, isla markaana u aqoonsan qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa si adag uga soo horjeedsatay socdaalka Xamse.

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK

Dalka Mareykanka oo lagu Xiray Muwaadin Somali ah oo lala Xiriirinayo dambiyo maandooriye

Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca
Ad
Previous articleSiyaasi Fahad Yaasiin oo sheegay in ciidanka Qaranka ay ku baaba’ayaan Shirqool Carbeed
Next articleMasar oo soo dhoweeysay wadatashiga nabadeed ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya