Home Wararka Maanta Maamulka Puntland oo Maantay Markale Taariikh Cusub Qortay

Maamulka Puntland oo Maantay Markale Taariikh Cusub Qortay

0

Waxaa saaka degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal looga dareeray saaka doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka Puntland.

Sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC doorashooyinka ayaa ka dhacaya 80 goobood oo ka kala tirsan saddexda degmo ee gobolka Nugaal.

Waxaa codeynayaan in ka badan 64 kun oo qof oo kala xulanaya 431 musharax oo ka kal socda siddeed xisbi siyaasadeed.

Doorashada doorashada ayaa waxaa si dhow ula socda korjoogtada caalamiga oo booqday qeybo ka mid ah seejooyinka cod bixintu ka socoto.

Maamulka Puntland ayaa horey u qabtay doorashada 33 degmo oo golaha deegaanka ah, iyadoo saddexdan degmo ay noqonayaan kuwii ugu dambeeyay.

Bulshada rayidka ayaa si weyn ugu bogaadisay maamulka doorashooyinka noocaan ah, maadaama tallaabo horumar leh loo qaaday dhanka dimquraadiyadda.

Si kastaba, Puntland ayaa markii ugu horreysay bartamaha sanadkii hore qabatay doorasho qof iyo cod ah oo ay si weyn isha ugu hayeen dadweynaha Soomaaliyeed, iyadoo doorashada maantana xujo kale ku noqon doonto maamullada kale iyo xitta dowladda dhexe.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleXasan Shiikh oo War kasoo saaray Jabkii Alshabaab lagu gaarsiiyay Buulaxaaji
Next articleMid kamid ah Xidhibaanada Federaalka oo Maantay Lagu doortay Dhuusamareeb