Dowlad goboleedka Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay dagaal u dhexeeyay laba ciidan oo maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, balse haatan Puntland aqoonsantahay Haylaan.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa iyo maamulka Dhahar ayaa si adag u cambaareeyay dagaalkii maanta oo khasaare badan sababay, waxayna masuuliyadda toos dusha uga saareen DFS.
Dagaalka ka dhacay Dhahar ayaa ka dhex qarxay laba ciidan oo kala taabacsan Puntland iyo maamulka Maakhir, waxaana ku geeriyooday dad ku dhow 10 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad rayid ah.
Hoos ka daalaco qoraal uu soo saaray wasiirka
Waxaan si adag u cambaaraynaynaa Dawladda Federaalka ah oo maalmahan Gobollada Puntland ee nabadda ah ka dhex wadda “Hurin colaadeed, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan”. Waxaan kaloo sida ugu adag ugu cambaaraynaynaa Xukuumadda #XSM inay galabta Maleeshiya hubaysan oo ay soo abaabushay ay #Degmada #Dhahar ee Gobolka #Haylaan ka abuureen xiisad colaadeed keentay dhimasho nafeed.
Falkan gurracan oo ah mid lagu dhabar-jebinayo halganka xaqa ah ee ay Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo Al Shabaab ee buuraha CALMIsKAAD iyo CALMADOW wuxuu noqonayaa mid Dawladda Federaalka ah lagula xisaabtamo.
Waxaa nasiib darro ah in Xukuumadda Xasan Shiikh oo ku fashilantay dhamaan hawlihii loo igmaday inay iyadoo isticmaalaysa deeqihii caalamiga ahaa ee Soomaaliya loogu talo galay ay qori dab leh kula dhex wareegto Gobollada Puntland ee nabadda una soo jeensato wax dumin keli ah.