Home Wararka Maanta Maamulka Puntland oo beeniyay inay ku lug leedahay colaadda ka taagan dalka...

Maamulka Puntland oo beeniyay inay ku lug leedahay colaadda ka taagan dalka Suudaan

0

Puntland ayaa beenisay eedeymaha sheegaya in ay door ku leedahay hurinta colaadda ka taagan dalka Suudaan, iyo wararka lala xiriirinayo Dowladda Imaaraatka Carabta in ay raadaarro ku rakibtay magaalada Boosaaso si ay ula socoto gantaallada kooxda Xuutiyiinta, si loo adkeeyo amniga xarumaha ay Imaaraadku ku leeyihiin Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in dacaayadahan ay ka dambeeyaan dalal uu ku eedeeyay inay boobayaan kheyraadka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale xusay in Dowladda Imaaraatka Carabta ay tahay saaxiib dhab ah oo taageera horumarka Puntland iyo shacabkeeda.

Ad
Previous articleGobolka Bari oo lagu dilay 35 Xubnood oo ka tirsan Kooxda Daacish
Next articleDeegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan oo Dagaal Culus ka Qarxay Goor Dhow