Home Wararka Somaliya Puntland Maamulka Puntland oo Amray in Itoobiyaanka Kusugan Puntlabd Deg Deg u Baxaan

Maamulka Puntland oo Amray in Itoobiyaanka Kusugan Puntlabd Deg Deg u Baxaan

0

Duqa magaalada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi ayaa soo saaray amar ka dhan ah Itoobiyaanka ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Duqa ayaa wuxuu ku amray dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoowe inay si deg-deg ah uga baxaan magaalada, haddii kale loo adeegsan doono awood dowladeed.

“Waxaa la jooga waqtigii magaalada Garoowe laga saari lahaa Itoobiya sharci darrada ku jooga,” ayuu yiri Duqa Garoowe oo ku hanjabay in ciddii aan amarkan u hoggaansamin ay magaalada ka saari doonaan iyagoo xir-xiran.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “In badan waxaan ku dadaalnay in dadkaas la soo dhoweeyo, laakiin hadda waqtigeedii bey gaartay. Waxaan rabnaa inaan dadkaas u sheegno, cidda aan sharciga ku haysan magaalada inay isaga baxaay.”

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay Itoobiyaanka si aad ah ugu soo qul-qulayaab magaalada Garoowe, islamarkaana laga muujiyay cabasho xooggan, maadaama ay magaalada soo buux dhaafiyeen, walaacna laga muujiyay hab dhaqankooda.

Itoobiyaanka ayaa sidoo la sheega inay la wareegeen shaqooyinkii ay ku tiirsanaayeen dadka muwaadiniinta ah qaarkood, kuwaasi oo si gaar ah ugu sii tiirsanaayeen qoysaska danyarta ah, oo ay kamid tahay caseeyaha ama baalashka.

Ma ahan markii ugu horreysay ee magaalo ka tirsan maamulka Puntland laga saaro dadka Itoobiyaanka, ayada oo la xasuusto inuu horey maamulka degmada Gaalkacyo uga mamnuucay magaaladaasi.

Ad
Previous articleNetanyahu oo kala diray golihii wasiirada ee dagaalka ee saameynta badnaa
Next articleIlaalada xeebaha Giriiga oo tahriibayaal Soomaali ka mid tahay ku tuuray badda