Home Wararka Maanta Maamulka Puntland oo amaro Culus Dul dhigay Ajaanibta Ku Nool Puntland

Maamulka Puntland oo amaro Culus Dul dhigay Ajaanibta Ku Nool Puntland

0

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa go’aanno culus dul-dhigtay dadka ajaaniibta ah ee ku sugan deegaannada maamulkaasi iyo kuwa imaanaya, xilli haatan uu dardar xoogleh ku socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo ay ku jiraan ajaaniib badan.

Puntland ayaa gebi ahaan mamnuucday in qof ajnabi ah oo sharci darro ku jooga deegaannadeeda in aan guri laga kireyn karin maanta kadib, sidoo kalena aan la shaqaaleysiin karin.

Sidoo kale waxaa laga mamnuucay tuugsiga goobaha dadweynaha, iyada oo dhanka kale shirkadaha la faray in qof ajnabi ah oo aan haysan sharci aanay u furin karin Sim-Card.

Waxaa kale oo la joojiyay ganacsiyada yaryar ee lala wareego waddooyinka iyo xaafadaha, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay warsaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Hoose ka akhriso:-

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo xeerinaysa nabaddgelyada iyo badqabka dadka iyo hantidooda waxay soo saartay qodobada hoos ku xusan:-

  1. Iyada oo laga duulayo khataraha amni ee jira waxaa reeban inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn.
  2. waxaa la mamnuucay dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda.
  3. waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya.
  4. Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto.
  5. Waxaa la mamnuucay ganacsiyada yar yar ee aan sharciyeysnayn ee suuqa lala wareego.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleGudoomiye Cabdifataax Nuur Mataan oo qarax Culus lagu Dilay
Next articleMuxuu Sameeyey Mukhtaar Maxamed Shariif oo Maraykanku ku Xukumay 17sano oo Xabsi ah?