Home Wararka Maanta Maamulka Koonfurgalbeed iyo Dowlada Soomaaliya oo Sii kala Fogaaday maxaa Maantay Dhacay?

Maamulka Koonfurgalbeed iyo Dowlada Soomaaliya oo Sii kala Fogaaday maxaa Maantay Dhacay?

0

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Muqdisho, dawladda Faderaalka ayaa garoonka Aaden Adde ku xanibtay taliyaha guutada 9aad ee ciidamada kusugan Xudur, isagoo kasoo duulay Baydhabo, oo uu kaga qeybgalay kulan looga hadlayay arrimaha Amniga Koonfur Galbeed oo ay saraakiisha deegaanada kale duwan la yeesheen madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, wuxuuna hadda ku sii jeeday magaalada Xudur.

Dadaal uu garwadeenka ahaa gudoomiyaha golaha Shacabka Sheikh Aaden Madoobe ayaa lagu guuleystay in Taliyaha & Ilaaladiisa xoriyadooda lasiiyo, iyadoo laga reebay maanta duulimaadkii ay Xudur ku aadi lahaayeen.

Sidaas oo kale duulimaad diyaaradeed oo magaalada Baraawe geyn lahaa wasiiro & Saraakiil katirsan Dawlad Koonfur Galbeed ayay diiday DFS oo ay diiday, taas oo muujinaysa sii kororka dagaal siyaasadedka Villa Somalia & Koonfur Galbeed.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWafdigii Kasocda IGAD oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho(Sawiro)
Next articleDowlada Maraykanka oo Dowlada Itoobiya U dirtay Fariin Naxdin leh oo la xariiirta Badda Soomaaliya