Home Wararka Maanta Maamulka Jubbaland oo war kasoo saartay ciidankii dowladda ay ku daabushay Gedo

Maamulka Jubbaland oo war kasoo saartay ciidankii dowladda ay ku daabushay Gedo

0

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa war kasoo saartay Ciidankii ka tirsanaa NISA ee shalay dowladda Soomaaliya ay geystay degmada Doollow ee gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaday in uu wali colaad hurin ka waddo gobolka Gedo.

Warka kasoo baxay Jubbaland ayaa sidaan u qornaa:

Jubaland waxaa ka jirta xaalad abaarreed oo ba’an, dhalisayna khasaare balaaran oo naf iyo maalba leh. Waxa isbuucyadii la soo dhaafay lagu hawlanaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada soo food saartay shacabka ku dhaqan deegaanada Jubaland.

Haddaba, ayadoo ay taasi jito ayaa waxaa nasiib darro ah in halki Dowladda Federaalku doorkeeda ka geysan lahayd wax kaqabashada dhibaatadaas, inay gobolka Gedo ku sii daabulayso hub, ciidan iyo gaadid dagaal.

Waxa shalay 0o taarikhdu ahayd 19 Maarso 2021, hub, gaadid dagaal iyo ciidan laga dejiyey deegaanada Daawo ee gobolka Gedo, oo awalba la il daraa maleeshiyaad Dowladu Federaalka halkaasi geysay oo dagaallo ka riday, una geystay shacabka deegaankaas boob iyo barakicin. Waxaa iyana ayaan darro ah in ayadoo waddanku ku jiro xili kala guur ah, dhammaadayna muddo0 xileedkii Madaxweynaha Federaalka iyo Goleyaasha Sharci-dejintu, cid walba oo Soomaaliya danaynaysana ay ku baaqayso in diiradda la saaro wada hadal lagu dhammaystirayo caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorasho lo0 dhan yahay, uu Madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday weli ka waantoobi la’ yahay dagaal oogid, abuuridda carqalado hor leh iyo ku tumashada dastuurka iyo sharciga dalka u yaalla.

Arrimahaas ayaa looga gol leeyahay jabinta heshiis kasta oo looga gudbi lahaa si mari waaga jira.

Haddaba, Dowlada Jubaland waxay caddaynaysaa in masuliyadda wixil ka dhasha gulufkaas colaadeed uu qof ahaan u yeelan doono Madaxweynaha muddo xileedkisi dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayna noqon doonto xadgudub aan waligiis ka harin.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo Shir kale ku baaqay
Next articleAkhriso:- Heshiis Galmudug iyo Itoobiya ay kala Saxiixdeen