Home Wararka Maanta Maamulka Jubbaland oo shaacisay xaalad adag oo ka dhalatay go’aanka DF

Maamulka Jubbaland oo shaacisay xaalad adag oo ka dhalatay go’aanka DF

0

Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in xaalad halis ah ay ka dhalatay go’aankii u dambeeyay ee dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay ku hakisay duulimaadyadii tegi jiray maamulka.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Cabdirisaaq Sheekh Aadan ayaa sheegay in xayiraada duulimaadyada ee Kismaayo ay ka dhalatay dhibaatooyin bini’adamnimo.

Waxa uu caddeeyay in dad soo rabay inay howlo caafimaad u tegaan Muqdisho ay geeriyoodeen, maadama bukaanada qaar ay u baahnaayeen inay dalka dibadiisa aadaan, maadaama ay adag tahay in diyaarad ka baxda Kismaayo ay tagi karto Nairobi, sidaas darteen ay dadka ku qasban yihiin inay tegaan magaalada Muqdisho.

Hay’adda duulista rayidka hawada Soomaaliyeed ayaa dhawaan diyaaradaha ku wargelisay go’aanka in la joojiyay duulimaadyadii tegi jiray deegaanada Jubbaland oo ay ugu horreyso magaalada Kismaayo.

Hay’adda ayaa go’aankan qiil uga dhigtay sabab la xiriirta kadib markii in maamulka uu Kismaayo ka afduubtay diyaarad ka degtay oo kadib mas’uuliyiin lagu geeyay Doolow.

Sidoo kale wuxuu maamulka diyaaradda sheegay in maamulka Jubbaland uu ku xad-gudbay nidaamkooda, isla markaana uu xoog ciidankooda ku saaray diyaaradoodii shalay rakaabka geystay Kismaayo, iyadoo si qasab ah looga dejiyey degmada Doolow.

Ad
Previous articleMuxuu Madaxweyne Xasan Shiikh kala Hadlay kuna Qanciyay Madaxweynaha Ereteeriya?
Next articleAlshabaab oo ku Dhawaaqay in laga Dilay Maxamed Axmed Mire