Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegtay in wixii ka dhacay magaalada Muqdisho ee ku dhawaaqista Xisbi ay ku jiraan Madaxda Dowladda ay muujinayso xilkasnimo-darrada Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo dalku uu ku jiro halis amni oo xooggan, haddana uu isku diyaarinayo xukun kalitalis ah iyo xisbi la mid ah kii kacaanka, oo aan tabar badan lahayn.
War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Tallaabadaas oo lid ku ah Dastuurka ayna dhaawacayso midnimada dalka iyo abaabulka loogu jiro sidii shacabka Soomaaliyeed oo midaysan ay uga hortagi lahaayeen soo rogaal-celinta kooxaha argagixisada ah.
“Waxaa si cad loo baalmaray doorkii labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, oo markii la maroorsaday dhammaan awoodihii uu lahaa, noqday fadhiid aan sidii la rabay u gudan waajibaadka ka saaran ilaalinta Dastuurka iyo korjoogtaynta Xukuumadda.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Jubaland.
Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ugu baaqay dhammaan saamileyda siyaasadda, bulshada rayidka ah, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in loo istaago badbaadinta dowladnimada Soomaaliya.
Ugu dambeeyn, Jubaland ayaa ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya in aysan jirin maanta maalin ay shacabka Soomaaliyeed uga baahi badan yihiin garab istaag dhab ah, isla markaana aan lagu daawan kooxda Xasan Sheekh Maxamuud iyo jihada ay dalka ku wadaan.