Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta amar cusub kusoo rogtay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka shaqeeya gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Gaadiidka uu sida tooska ugu socdo amarkaan kasoo baxay maamulka gobolka ayaa waxaa kamid; Mooto Bajaajta, gawaarida iyo Mootooyinka laba lugaaleyda ah ee bulshada caasimadda ay adeegsato.
Maamulka gobolka ayaa waxa uu sheegay in ciddii ka dhego adeegta amarkaas lala tiigsan doono sharciga, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah.
Sidoo kale waxa uu maamulka gobolka markale ku wargaliyay gaadiidka ay wataan masuuliyiinta in ay u hoggaansamaan awaamirta lagu sugayo ammaanka, islamarkaana ay ogolaadaan in baraha ciidamadu joogaan lagu hubiyo si ammaanka loo xaqiijiyo.
Ciidamada kala duwan ee magaalada caasimadda ee Muqdisho ku dhex wata hubka ayaa sidoo kale la faray inay uga soo tagaan xeryahooda.
Si kasta, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sidii hore kasoo hagaagaya, kadib markii inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka wada degmooyinka gobolka Banaadir.